(Dimishiq) 07 Sebt 2018 – La Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka, John Bolton, ayaa sida lasoo werinayo ka digey inay Washington qaadi doonto tillaabo millateri haddii ay Dimishiq adeegsato hubka kiimikada, taasoo ah arrin loo arkayo marmarsiinyo lagu maago maamulka Asad.
Sidaa darteed, waxaa heegan la geliyay ciidamada difaaca cirka Ciidamada Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, si ay diyaar ugu noqdaan weerar cirka ah oo laga filan karo Maraykanka, sida ay werinayso Al Masdar News.
Ilo ku dhow saldhigga cirka ee Mezzeh Air Base ayaa tibaaxaya in ciidamada saldhiggaasi heegan sare la geliyay, iyagoo isha ku haya weerar ka dhan ah nidaamka Dimishiq oo isu diyaarinaysa weerarka gobolka Idlib, oo ay ku dambeeyaan xoogagga kasoo horjeeda, taasoo aysan raalli ka ahayn Maraykanka iyo Israel.
Dowladda Suuriya ayaan si rasmi ah arrintan weli uga hadlin, iyadoo dhanka kale ay Ruushku maraakiib dagaal soo dhoobeen xeebaha Suuriya.
Hadalsame Media