SAWIRRO: Pakistan oo noqonaya dalka 5-aad ee dunida ugu xooggan dhanka nukliyeerka (Hindiya & Galbeedka oo ka walaacsan)

0
ISLAMABAD, PAKISTAN: A Pakistani commando (R) looks on as Ghauri intermediate-range missiles capable of carrying nuclear warhead are transported on launchers during the National Day parade in Islamabad, 23 March 2005. Speaking at the ceremony where Pakistan showcased its military might, President Pervez Musharraf warned that ongoing rapprochement between Pakistan and India could derail if there was no progress on the Kashmir issue. AFP PHOTO/Farooq NAEEM (Photo credit should read FAROOQ NAEEM/AFP/Getty Images)

(Islamabad) 06 Sebt 2018 – Hindiya ayaa walaac ka muujisay soo bixitaanka war sheegaya in dalka ay coltamaan ee Pakistan uu qarka u saaran yahay inuu noqdo quwadda 5-aad ee dunida ugu xooggan marka ay timaaddo hubka nukliyeerka, sida ay sheegeen cilmi baarayaal Maraykan ah oo sheegay inay ”walaacsan yihiin.”

© APB News
Ciidamada Hindiya & Pakistan oo wada ciyaaraya

Awooda nukliyeer ee Pakistan – oo ah dalka qura ee Islaam ah ee haysta hub istaraatiji ah – ayaa sidoo kale “walaac xooggan ku haysa” Maraykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah, iyadoo madaxyada nukliyeerka ah ee Pakistan haysato ay gaari doonaan inta u dhaxaysa 220 ilaa 250 madax marka la gaaro 2025-ka, sida ay muujinayso daraasad cusub oo ku aaddan xogta mashaariicda nukliyeer ee caalamka.

Qiyaasta Xiriirka Saynisyahannada Maraykanku haatan samaynayaan ayaa aad uga duwan mid 1999-kii horay u samaysay hay’adda Siraha dhanka Difaaca Maraykanka oo saadinaysay in ay Pakistan yeelan doonto 60 ilaa 80 madax oo nukliyeer ah marka la gaaro 2020, balse iminka Pakistan waxay noqon rabtaa dalka 5-aad ee leh cududda nukliyeer ee ugu xooggan caalamka.

Gantaalka AGNI ee Hindiya

Pakistan ayaa sidoo kale la fahamsan yahay in tiiyoo ay sare u qaadday awooddeeda nukliyeer oo “caabbin karta weerar nukliyeer oo gaadmo ah” ay sidoo kale leedahay mid caadi ah (conventional) oo ay “iskaga caabbin karto weerar caadi ah oo kaga yimaada Hindiya.”

Tiiyoo ay bishii Luulyo ay Hindiya sheegtay inay iskaga filan tahay weerar ku yimaadda gaadmo iyo toosba, misna sida uu qabo Machadka Daraasadaynta Nabadda Caalamka ee Stockholm International Peace Research Institute, (SIPRI) ayaa sheegaya in Hindiya ay haysato inta u dhaxaysa 130 ilaa 140, halka Pakistan ay haatan haysato inta u dhaxaysa 140 ilaa 150 madax oo ah hubka istaraatijiga ah ee nukliyeerka.

Mid ka mid ah bambaanooyinka nukliyeerka qaada ee Pakistan

Hadalsame Media