DAAWO: Japan oo ay ku dhufatay duufaantii ugu xoogganayd muddo 30 sano ku dhow

0

(Osaka) 06 Sebt 2018 – Duufaan aad u xooggan ayaa ku dhufatay galbeedka Japan, waxaana roobab mahiigaan ah oo halkaa ka da’ey ay ku fateheen garoonka caalamiga ah Kansai International Airport, oo ah midka ay ku tiirsan tahay magaalada 3-aad ee dalkaasi u wayn ee Osaka, iyadoo la kansalay in ka badan 700 duullimaad.

Duufaantan oo Jebi la yiraahdo ayaa noqotay duufaantii ugu xoogganayd tan iyo 1993-kii, sida ay sheegayso Kyodo News, waxayna dabayshan oo u socotey dhanka jasiiradda Honshu ay saacaddii jaraysay 126 KM, sida ay xaqiijisay hay’adda Saadaasha Hawada Japan.

Garoonka caalamiga ah ee Kansai International Airport, ayay soo galeen biyihii badda, waxaana la xirey gebi ahaanba dhabbihii diyaaradda, sida ay sheegtay Wasaaradda Kaabayaasha, Gaadiidka iyo Dalxiiska Japan.

Waxaa la daawaday muuqaallo naxdin leh, sida markab booyad ah oo qaada 2,591-tan oo la arkayay iyadoo ay dabayshu la dhacayso buundo jasiiradda Honshu ku xirta dhulka kale ee Japan.

Hadalsame Media