DAAWO: Al Jazeera oo barnaamij ka samaysay kulanka 4-geesoodka ah ee magaalada Jabuuti

0

(Jabuuti) 06 Sebt 2018 – Waxaa magaalada Casmara ee caasimadda u ah Eritrea heshiis ku kala saxiixday dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

Waxaana waxyaabihii kulankaa 3-geesoodka ahaa kasoo baxay ka mid ahaa in wefdi heer sare oo diblomaasiyadeed loo diro dalka Jabuuti, waxaana wefdigaa oo ka koobnaa wasiirro dibadeedyada 3-daa dal ay isla maantaba tageen magaalada Jabuuti iyagoo la kulmay madaxwaynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaana shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirro dibadeedyada Jabuuti iyo Eritrea ay ku sheegeen inay waxyaabo badan ka wada hadleen isla markaana ay diyaar u yihiin inay dhameeyaan khilaafka ka dhexeeya.

Haddaba hoos ka daawo barnaamij wareed uu ka sameeyay hilinka Al Jazeera qaybtiisa af Carabiga.

Hadalsame Media