SAWIRRO: Ciidamo si gaar ah u tababaran oo sugaya amaanka shirka Kismaayo

0

(Kismaayo) 05 Agoosto 2018 – Magaalada Kismaayo oo ah caasimadda 3-aad ee dalka ayaa waxaa ka soconaya shir la sheegay inay ku wada tashanayaan madaxda maamu-goboleedyada Somalia.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, waxana maamulka Jubbaland uu diyaariyey Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay inay sugaan amaanka madaxda maamul-goboleedyada.

Waddooyinka waawayn ee magaalada Kismaayo ayaa la xirey iyadoo xil gaar ah la iskaga saaray amaanka oo dhowr darajo sare loo qaaday inta ay goobta ku sugan yihiin wefdiga gobollada.

Hoos ka eeg sawirrada…

Hadalsame Media