(Hadalsame) 05 Sebt 2018 – Sidii aan xusay waxa aan balaayo ku qabay bahasha hootada la yidhaahdo. Carabtu waxa ay igu odhan jireen ”xabashidiinna oo dhan baa sidaas ah oo waad hiddaysatay”. Weligay wax aan ku tuuray la ma seegin, wax aan la helayna weligeed ka ma dhaawac kicin. Iyadii baan diyaarsaday.
Dagaalka carbeed ee la isku ba’ayo anigu wax dan ah ka ma lihi aan ahayn in aan isgobeeyo. Maalintaas oo dhan ciidanka waan garab socday ee la ma socon, ujeedkaygana waa la wada ogaa. Hinda intaa isha ayay igu haysaa, meel codkeedu iga soo gaadhi karo haddii aannu isu jirsanno waxa ay i lee dahay: ”Waxshiyow, na bogsii oo bogso!” Sidaa si la mid ah ayuu Jubeyr isha iigu hayaa.
Kol buu igu yidh: ”Maanta waa maalintii aad dib u dhalan lahayd aniguna ciilbixi lahaa.” Anigana intaa waxaa ii muuqda Xamse, halyeygii Qureesheed, dagaalyahankii magaciisu dhulka carabta wada gaadhay, ninkii aan weligii la arag isaga oo aan hubaysnayn, ninkii aan weligii riddadiisu dhulka u dhicin, ninkii kolkii uu muslimay ay u la baxeen ”Libaaxa Ilaahay”.
Ninkaas ayaannu maanta is mudanaynnaa. Tunkiisa weyn ayay dadnimadaydu saaran tahay. Haa, aarkaas baa i dili oo dunida siliceeda waan ka dheelman, ama aniga ayaa dooxi oo mindhicirkiisa xorriyaddayda ka la soo bixi. Halyey Xamse ma necbi isuguna i ma necba, laakiin libaaxuba hasha uu dilayo ma necba ee noloshiisa ayaa gashay.
Dagaalkii wuu dhacay, waxa uuna ka dhacay buurta caanka ah ee Uxud gunteeda. Birta ayaa danantay oo carabi gorodda ayay isgashatay. Maxamed baan arkaa oo sida qorraxda goobta uga dhex muuqda. Cumar baan arkaa oo midig iyo bidix seefta u labarogaya. Cali baan arkaa oo durba gacantiisa iyo seefta xinjirtu dhammuuqday. Dhanka kale waxa aan ka arkaa Abuu Sufyaan oo muslinka qoorta u simaya.
Jubeyr baan arkaa oo meel dambe dhagax soo gabbaadsan oo aniga isha igu haya. Waxa aan arkaa Hinda oo inta ay tafta xaydatay aniga iyo qolada reer maka hees guubaabo ah na la daba taagan. Aniguna kolba dhagax baan foodda saarayaa, kolba laba isla rogmanaya ayaa isku la kay soo dhacaya, kolba nin aanan u dan lahayn baa isku kay soo maqiiqaya oo aan iska hor weecinayaa.
Mee Xamse? Waa kaa isaga oo sida uu seefta madaxa wax ugaga gurayo aad mooddo in uu beer sabuul ka jarayo. Waa kaa isaga oo aad baarqab mooddo reer Maka ku cartamaya. Waa kaa aad mooddo weere xayn adhi ah dhex galay. Waan ku durkay oo ku durkay ilaa aan u jirsaday in ka yar toban tallaabo.
Dabadeed hootadii ayaan gilgilay oo gilgilay oo inta xooggaygu yahay ku sii daayay: Wash! Inta ay gumaarka ka gashay ayay labada lugood dhexdooda ka kudday. Xaggayga ayuu isu soo qaaday isaga oo ay seef dhiig la casaatay ka soo horrayso, laakiin markiiba wuu daadduumay oo is barkaday.
La soco qaybta 6-aad…
Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)
Hadalsame Media