Madaxwayne Farmaajo oo booqashooyin xasaasi ah ku tegaya Casmara & Adis Ababa (Sabab?)

0

(Casmara) 05 Sebt 2018 – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gelinka dambe la filayaa inuu tago magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Luulyo, sida uu qorayo Caasimadda Online.

Ujeedada safarka ayaa lagu sheegay kulan 3 geesood ah oo dhexmaraya Eritrea, Somalia iyo Itoobiya iyo sidoo kale sidii Soomaaliya u dhex dhexaadin lahayd dalalka Jabuuti iyo Eritrea, Jabuutina loogu soo celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista kaga maqan dalka Eritrea.

Xubnaha ka midka ah Wafdiga Madaxweynaha ee tagaya Asmara waxaa ka mid aha Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo xiriir dhow la leh dalka Eritrea, kaas oo xubin kahaa Isbaheysigii Asmara lagu dhisay ee ka dhanka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay 2006dii.

Wafdi horudhac u ahaa safarka Madaxweynaha ee Asmara oo uu ka mid ahaa Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa xalay laga soo celiyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii diyaaradda ay xilli Habeen ah gashay Hawada Dalka Kenya.

Wafdiga horudhaca ah ee xalay laga soo celiyay Nairobi ayaa la filayaa in ay mar kale dib u amba baxaan sida ay ugu sii gogol xaaraan safarka Madaxweyne  Farmaajo ee Asmara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Dalka Eritrea marka uu ka soo laabto safarka uu hadda ugu maqanyahay Dalka China.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona Magalada Adis ababa ee Dalka Itoobiya halkaas oo isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay uga qeybgeli doonaan shir lagu heshiisiinayo Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Booqashadii madaxweyne Farmaajo uu bishii July ku tagay magaalada Asmara ayaa ka careysiiyay dowladda Jabuuti, waxaana xalinta caradaasi magaalada Jabuuti u tagay madaxweyne Farmaajo.

Jabuuti muran xuduudeed ayaa kala dhaxeeya Eritrea, waxaana dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ay doonayaan in la xaliyo Khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.

Hadalsame Media