KHIYAANADA QARNIGA: Sida ay Maraykanka & Imaaraadku isula qorsheeyeen KHAARAJINTA Jabuuti + Sawirro (Qaybtii 6-aad)

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2018 – Maalgashiga Imaaraad ee Barbara markii hore waxa uu u muuqday in ujeedkiisa ugu wayni uu yahay in ay Abu Dabey cagta la hesho meel ay ku qabsan karto badeecadaha iyo adeegyada uu ubaahan yahay Suuqa Itoobiya si ka duwan Jabuuti, wana hadaf taabtay hanka istiraatiijiga ah ee fog ee Itoobiya oo walwal ka qabtay ku ku tiirsanaanta ganacsigeeda Jabuuti oo kaliya, sidoo kale waxaa soo muuqday in tallaabooyinkan Imaaraadku ay aad ugu habboon yihiin sidii ugu ciqaabi lahayd Jabuuti khilaafkii ka dhashay Xaruntii Kunteenarrada ee Dooraale iyo eryiddii ciidamadii Imaaraadka 2015-kii.

Yeelkeede, faa’iidooyinka heshiisku intaa kaliya kuma koobnaanin, ee Imaaraad iyo Itoobiya waxa ay si isula fahmeen sidii loola dhaqmi lahaa Eratariya, iyada oo ay taageertay Adis Ababa dadaalada Imaaraadku ay saldhig badeedka kaga dhisanayso Barbara si loo yareeyo muhiimadda uu leeyahay saldhigga Casab, kahor inta aysan Itoobiya caddaynin aragtideeda ku aaddan joogitaanka Imaaraadka ee Eratariya, gaar ahaan markii xiriirka Adis Ababa iyo Abu Dabey uu hormaray, iyada oo Itoobiya ay is tustay in buuxinta Imaaraadka ee saldhigyada Eratariya uu ugu yaraan ka hortagi karo in Eratariya ay halkaa ka kirayso Masar oo ay Itoobiya u aragto halis istaraatiji ah.

Abiy Axmed markii uu talada qabtay bishii Maarso, xiriirka labada dal waxa uu galay weji cusub,gaar ahaan ajandaha dib u heshiisiineed ee uu la yimid Raysulwasaaraha cusubi, oo ay ugu wayn tahay in uu meesha ka saaro cadaawadda taariikhiga ahaa ee waddankiisa loo hayo oo ay ugu horayso Eratariya.

15-kii juun, 10 maalmood kaddib markii uu ku dhawaaqay Abiy Axmed in Itoobiya ay fulinayso heshiiskii Aljeeriya ee la sixiixay 2002-dii ayna aqoonsanayso in Eratariya ay leedahay tuulada Baadame, ayuu booqday Adis Ababa dhaxal sugaha Abu Dubey Maxamed Bin Saayd si uu ula kulmo Abiy, halkaas oo labada dal ay kaga dhawaaqeen in Imaaraadku ay dhigi doonto $1,000,000,000 bangiga dhexe ee Itoobiya si loo dajiyo loona kordhiya kaydka lacagaha adag ee dalkaasi, intaana waxaa sii dheerayd in ay siisay $2,000,000,000 oo kaalma ah oo lagu taageerayo dhaqaalaha Itoobiya.

Wax yar kaddib safarkii Maxamed Bin Saayd ee Itoobiya ayaa waxaa Adis Ababa u safray wafdi Eratariyaan ah si ay wada hadallo ula soo yeeshaan, wafdigaas oo qaatay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka ee Fly Emirates, maalmo yar kaddib ayuu booqday madaxwaynaha Eratariya Asiyaas Afawarqe Abu Dabey halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bin Saayd maalgashiyo waaweyn oo xagga beeraha iyo kaabayaasha Eratariya ah, ugu dambaynna lagu soo afmeeray safarradaas u kala dab qaadidda ah in 9 Luulyo ay hab isku siiyaan Abiy Axmed iyo Asiyaas Afawarqe magaalada Asmara, sheegaanna in ay gaareen heshiis nabadeed oo taariikhi ah, gar wadeenna ay ka tahay dowladda Imaaraadku.

La soco qaybta 7-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media