Axmed Madoobe oo hal EED oo macquul ah u jeediyay dowladda Somalia

0

(Kismaayo) 05 Sebt 2018 – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wax uu ku sheegay sababta ay dowladda Soomaaliya u fulin la’dahay xukunnada dilalka ah ee ay ridaan Maxkamada Ciidamadaha dalka.

Jeer uu khudbo ka jeedinayey Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee Kismaayo ayuu sheegay in madaxda dowladda uu mid kastaaahi haystso Baasaboorro sShisheeye, isla markaana ay ka baqdin qabaan in dambiyo looga qabsado wadamadaaas oo aan laga ogolayn ciqaabta dilka ah (Capital Punishment).

“Markii aan dib u eegno xukunada ay ridaan Maxkamada Ciidamada ee dalka iyo sababta loo fulin la’yahay, madaxdeena ayaa heysata baasaboorro shisheeye dalalkaasina lagama ogola xukunka dilka ah, waxayna kordhineysaa Al-Shabaab awoodooda” ayuu ku dooday Axmed Madoobe.

Hadalsame Media