(Gal-Qoryaale) 05 Sebt 2018 – Al-Shabaab ayaa waxaa gacanta ugu jira maalintii seddaxaad 70 qof oo ay ka afrduubteen deegaanka Galqoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida baahisay warbaahinta dowladdu.
Horaantii toddobaadkan ayay maleshiyaadka Al- Shabaab waxay ka afduubteen dad tiradooda lagu sheegay 70 qof, oo isgu jira odayaal, Dhalinyaro iyo waxgarad ku waasi oo loo haysto Lacago baad ah oo ay meleshiyaadkan ka doonayaan dadka degaanka Gal-Qoryaale ku dhaqan.
Sidda ay sheegayaan wararka aan ka heleyna Gobolka Galgaduud dadkan ayaa ku kala xiran Degmadda Ceel buur iyo Degaanka Ceel garas ee isla Gobalka Galgaduud.
Degaanka Gal-Qoryaale iyo degaano u dhaw ayay dhawaan dagaalo ku dhaxmareen dad xoola dhaqato ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Hadalsame Media