Waxaa la akhrin doonaa FARRIIMAHAAGA gaarka ah! (Sirdoonka ”Shanta Indhood” oo taa go’aansaday)

0

(Gold Coast) 04 Agoosto 2018 – Shabakadda sirdoon ee ay leeyihiin 5 dal ayaa doonaya inay galaangal u yeeshaan xogaha gaarka ah ee ay hayaan sharikaadka maamulka baraha bulshada sida Facebook, Whatsup, Google iwm, iyadoo haddii ay diidaan tillaabo adag laga qaadi doono.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii ay Australia, gaar ahaan Gold Coast ay ku kulmeen wasiirrada iyo hay’aadka sirdoonka ee dalalka Maraykanka, UK, Canada, Australia, iyo New Zealand – kuwaasoo ay ka dhaxayso shabakad loo yaqaanno ‘Shanta Indhood’ – kuwaasoo isla gartay tillaabadan.

War murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay wasiirradan, ayaa hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in la akhrin karo farriimaha khaaska ah ee uu qofku si gaar ah ula wadaago asxaabtiisa si loogu kaashado baa la yiri la dagaallanka argagixisada iyo dembiyada iyagoo soo jeediyay in “si deg deg ah ay hay’adaha dhaqan gelinta sharcigu ay galaangal ugu yeeshaan xogaha dadka sida gaarka muhimka ugu ah.”

Hadalsame Media