SUXUUNTA DUUSHA: ”Waa maxay waxaasi!” – Maraykanka oo lagu arkay wax la garan waayay + Sawirro

0

(Charlotte) 04 Sebt 2018 – Waxaa jirta sheekada caanka ah ee Suxuunta Duusha oo la aaminsan yahay inay tahay sheeko xariiro xiise loo yeelay, haddana haatan waxaa la sheegayaa in cirka gobolka North Carolina ee dalka Maraykanka lagu arkay wax lagu sheegay Suxuuntaasi oo loosoo gaabiyo UFO, halka ay dad kale sheegayaan inuu noqon karo tijaabo sir ah oo ay wadaan ciidamada Maraykanka.

Nin la yiraahdo Javion Hill ayaa walaxdan ku arkay hawada Charlotte oo dhacda Koonfur Galbeed North Carolina mar uu gaari ku kexeeynayay jidka US-74 jeer uu telefoon kula hadlayay xaaskiisa, isagoo u dirayay sawirro uu ka qaaday hawada oo ay saarnaayeen daruuro duufaan wata, waxay se xaaskiisu aragtay walax 4 geesood ah oo cirka ka muuqda.

“Waxaan iri; Ilaahoow waa maxay waxani?’ Waxaana bilaabay inaan dhowr sawir ka qaado wixii anigoo gaariga wada,” ayuu ku yiri warsidaha magaaladaasi kasoo baxa ee Charlotte Observer.

Hadalsame Media