QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 4-aad)

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2018 – Dharaartii loo dareeri lahaa dagaalka kooxda Maxamed lagu qaadayo ee raggii Badar loogu soo aarayo habeenkeedii laba ruux oo Maka muhiim ka ah baa cariishkaygii yaraa iigu yimid.

Waxa ay ahaayeen laba booqasho oo socdaalkii noloshayda si buuxda u beddalay. Booqashada hore waxa ay ahayd Hinda, ooridii Abuu Sufyaan oo ahaa madaxa Qureesheed. Hinda aabbaheed Cutba, walaalkeed al-Waliid iyo dumaashigeed Sheyba saddexdaba waxaa lagu dilay goobtii Badar, waxa ayna habeenkaa ku jirtay xaalad nafsadeed oo aad u xun oo murugo iyo ciil ah.

Waxa ay ahayd qof qurux badan oo leh laf iyo jidh aad u qorqoran, isla markaa waxa ay lahayd raggannimo yaab leh. Waxa ay ka dhalatay qoys sare, waxa ayna u dhaxday qoys kale oo sare, ladnaan badan ayayna ku soo kortay, sidaa darteed waxa ay ahayd naag ismahadisay. Yaraan baa lagu guursaday, imikana waxa ay ahayd dhawr iyo soddon jir. In kasta oo aannu labadayadu dabaqad ahaan aad u ka la fogayn, oo aan anigu addoon ahaa iyaduna sayidad, haddana naagaha Mushrikiinta Maka iyada ayaan ugu jeclaa.

Hinda habeenkaa kolkii ay cariishkayga yar iigu timid waxa ay igu tidhi: ”Waxshiyow, na bogsii oo bogso! Ii soo dil Maxamed adeerkii Xamse, waxa aad dunida doontana waad iga helaysaa.” Farxad baan wada kurbaday. Illintii dhabannadeeda qulqulaysay baan sacabka kaga tiray, waxa aanan u ballanqaaday haddii ay ballankaa oofinayso in aan codsigeeda fulin doono. Sidii baannu ku heshiinnay, in aan bogsiiyo iyaduna i bogsiiso.

Habeenkaa markii ay Hinda ii timid in yar horteed waxaa iga tegay Jubeyr oo ah ninka i addoonsada, waxa uuna ii la yimid wixii ugu weynaa ee ay labadayda dhegood maqli lahaayeen. Waxa uu igu yidhi: ”Aroorta waxaa dhaqaaqaya col adag oo fallaagada Maxamed lagu soo laynayo oo raggii Badar loogu soo aarayo. Na raac oo adeerkay Duceyma ugu soo aar Maxamed adeerkii Xamse, dabadeed waan ku xoreeyay.”

Noloshayda inteedii badnayd isaga ayaan addoon u ahaa, isaga ayaanan aadamiga ugu necbaa, wax badan baanan dullayntiisa iyo ku tumashada dadnimadayda ka soo maray. Haddana ilbidhiqsigaa wax aan u arkay qofka dunida ugu wanaagsan ee ugu naxariis badan. Ilbidhiqsi gudihii ayaan noqday ”dad” halkii aan awel ahaa ”shay”. Neecaw macaan oo saafi ah ayaa sambabbadayda xashay.

Culays weyn baa labadayda garab sida rarka laga rogay. Dhiiggaygii cuslaa baa noqday khafiif. Liibaan aan soohdin lahayn baa i dabooshay. Wax aan ugu jawaabay: ”Sow xorriyaddaydu intaa ku ma xidhna?” ”Haa”, ayuu iigu jawaabay. ”Haddaba taa aniga igu dhig”, ayaan isaga iyo naftaydaba wacad ugu maray.

La soco qaybta 5-aad…

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media