(Hadalsame) 04 Sebt 2018 – Cantarah ibnu Shaddaad oo ahaa gabayaa ama shaacir Carbeed, dagaal yahan fardo fuulka yaqaan isla markaana geesi ah, ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah dhacday in uu Cantarah ka cararay Dibi , dabadeed waxaa dhacday in dadku weydiiyaan:
“Cantarah aaway geesnimadaadii? ma waxaad ka baqday Dibi?!”
Wuxuu ugu warceliyey dadkii: “Oo maxaa Dibiga ka khuseeya inaan anigu Cantarah ahay?” Yacni muxuu ka garanayaa geesinimaddeyda.
XIKMADA XIKAAYADA
Waxba ha kula tartamin fikraddaada iyo aqoontaada qof jaahil ah, waayo wuxuu kugu herdiyi doona jaahilnimadiisa!
Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax
Hadalsame Media