Man Utd oo ku dhaqaaqday xallinta hal arrin oo ay dhib ku qabto!

0

(Roma) 04 Sebt 2018 – Manchester United iyo Barcelona ayaa sida lasoo werinayo waxay wada doonayaan agaasimaha isboortiga kooxda AS Roma ee Monchi, balse Roma uma muuqato mid mar dhow fasaxaysa.

Ninkan reer Spain ayaa caan ku ah il dheeri ka dhigtay agaasime ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaaradda cajuusada ah ee Yurub, wuxuuna haatan sanadkii 2-aad la joogaa Giallorossi.

Manchester United ayaa doonaysa inay ku biirto Man City oo ah kooxda qura ee Ingiriis ah oo ilaa haatan leh agaasime isboorti, iyadoo uu haatan howshaa qayb ahaan qabto Ed Woodward oo suuqii sanadkan ku fashilmay, wuxuuna Gazzetta dello Sport sheegayaa inay isha ku hayso Monchi.

Barcelona ayaa iyadna sidoo kale xiisaynaysa, bal sida ay iminka tahay marka la eego ma sahlana in uu ninkani ka tago Roma, gaar ahaan isaga oo xiriir wanaagsan la leh madaxwayne James Pallotta, oo doonaya inuu xafito Monchi.

Hadalsame Media