LA YAAB: Wiil 24 farood leh oo sabab la yaab leh naftiisa ugala baxsanaya qaraabadiisa + Sawirro

0

(Gurri) 04 Sebt 2018 – Qoyska wiil yar oo 12-jir ah oo ku dhashay 12 farood iyo 12 lugaha ayaa booliiska baaq u diray si ay wiilkooda uga ilaaliyaan in ay dilaan qaraabadiisa hunguriga miiran ah.

Sida ay faafinayso Wakaaladda Wararka Aasiya ee ANI, wiilkan – oo lagu magacaabo Shivanandan, kana soo jeeda xaafadda Gurri ee degmada Barabanki ee gobolka Uttar Pradesh – oo halis nololeed wajahaya iyadoo ay dad ”falxad” u arkaan faraha badan ee uu ku dhashay.

Waalidka wiilkan ayaa booliiska u sheegay in ay qaraabadoodu doonayaan inay wiilkooda qalaan kaddib markii uu nin kuhaan ihi u sheegay in qofkii wiilkaa dila uu hanti adduun ”ka hirqan doono”.


“Waxaan xitaa joojinney inuu wiilkeennu dugsiga aado. Booliiskana waxaan gaarsiinney ashtako,” ayuu yiri aabihi, iyadoo Umashankar Singh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska maxalliga ihi uu sheegay inay arrinta baaris ku wadaan.


Hadalsame Media