(Roma) 04 Sebt 2018 – Waxaa lasoo saaray liiska kooxaha bixiya mushaharka ugu badan iyo sida ay u kala qaataan xiddigaha ka dheela Serie A, kuwaasoo uu ugu sarreeyo Cristiano Ronaldo, halka Fabio Borini uu la mushaar badan yahay in ka badan 5 laacib oo Napoli ah.
Sanad kasta, La Gazzetta dello Sport, ayaa soo saara taxa kala sarreeynta kooxaha heerka koowaad ee Talyaaniga marka ay timaaddo dhanka mushaharka iyo gunnooyinka, wuxuuna gaarayaa ilaa €1.1bn oo euro.
Si aan lala yaabin, jookarka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ah laacibka ugu mushaharka badan isagoo qaata €31m oo saafi ah, wuxuuna 3 jeer ka badan yahay laacibka kusoo xiga oo ah qannaaska AC Milan ee Gonzalo Higuain, oo kasbada €9.5m.
Paulo Dybala ayaa 3-aad ku jira isagoo qaata €7m oo euro sanadkii, iyadoo 6 ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badani ay u saftaan Juve, kuwaasoo ay ku jiraan Miralem Pjanic, Douglas Costa, Emre Can iyo Leo Bonucci.
Kooxaha bixiya mushaarka ugu badan Serie A 2018-19:
Juventus €219m
Milan €140m
Inter €116m
Roma €100m
Napoli €94m
Lazio €66m
Torino €43m
Fiorentina €37m
Sampdoria €36m
Bologna €34m
Sassuolo €30m
Cagliari €29m
Genoa €29m
Atalanta €27m
Udinese €26m
Parma €23m
Frosinone €22m
Chievo €21m
SPAL €21m
Empoli €16m
Laacibiinta ugu mushaarka badan Serie A [saafi]:
Ronaldo €31m
Higuain €9.5m
Dybala €7m
Pjanic €6.5m
D. Costa €6m
Donnarumma €6m
Bonucci €5.5m
Emre Can €5m
Insigne €4.6m
Icardi €4.5m
Nainggolan €4.5m
Dzeko €4.5m
Perisic €4m
Khedira €4m
Mandzukic €4m
Chiellini €4m
Matuidi €4m
Cuadrado €4m
Szczesny €4m
Mertens €4m
Hadalsame Media