KHIYAANADA QARNIGA: Sida ay Maraykanka & Imaaraadku isula qorsheeyeen KHAARAJINTA Jabuuti + Sawirro (Qaybtii 5-aad)

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2018 – Caasimadda Casmara ayay Imaaraadku ka bilaabeen in ay dayactiraan garoonka diyaaradaha oo burbursanaa si ay ugu degi kaaan helakobtarrada weerartama sida “Apache” oo uu leeyahay hoggaanka diyaaradaha wadaagga ah ee Imaaraadka, iyo sidoo kale helakobtarrada “Shiinuuk” iyo” Black Hawk” oo uu leeyahay ciidanka ilaalada madaxtooyada Imaaraadka.

Diyaaradahaasuna weerar ayay qaadeen iyaga oo ka kacay “Casab”, duuliyayaasha cusub ee ciidanka cirka ee Yaman na waxaa lagu tababaray Casab inta aan la gaynin saldhigga cirka ee “Alcanad” oo ku taalla Cadan, oo sida oo kale ay Imaaraadku haystaan, sida oo kale Eratariya waxa ay dirtay 400 oo askari si ay u taageeraan ciidamada Imaaraadka ee Cadan jooga, halka Sucuudi iyo Imaaraad ay gacan ka gaysteen cusboonaysiinta shabakada korontada ee Eratariya.

Waxaa kale oo ay siiyeen kaalmo shidaal iyo mid lacageed, laakiin aragtida Imaaraadku kuma koobnayn oo kaliya in ay u isticmaasho Eratariya saldhig hawl galladeeda ciidan ee Yaman, ee ujeedkeedu waxa uu ahaa in ay nafta kusoo celiso mid kamid nidaamyada ugu go’doonsan adduunka iyo laga dhigo qiblada cid kasta oo uu damac kaga jiro mandiqadda, furaha dhaqan celintaana waxa uu yaallay Itoobiyada dariska ah.

Xilligii dagaalkii qaboobaa ee Sagaashamaadkii xiriirka Itoobiya iyo dalalka Khaliijka waxa uu ahaa mid aad u xun, iyada oo madaxda Itoobiya ay u arkeen in dowladahan ay si toos ah ugaga hiilliyeen Masar, Eratariya, Suudaan iyo Soomaaliya, taasna waxaa ka dhashay in xiriirka cusub ee Eratariya iyo Abu Dabey uu cabsi ku abuuro Adis Ababa oo ay masuuliyiinta Itoobiya tagaan caasimadda Imaaraadka si ay wada hadallo ula soo yeeshaan.

Haddaba, inkasta oo wada hadallada labada dhinac ay markii u muuqdeen kuwa aan horumar samaynaynin, haddana waxa ay gaareen Abu Dabey iyo xukuumaddii dhacday ee Hailemariam Desalegn qaab ay ku wada shaqayn karaan kaddib markii ay Imaaraadku ballan qaaday in ayna dhiiri galinaynin dadaallada Eratariya iyo Masar ee lagu wiiqayo Itoobiya, taas oo ay kamid tahay in aysan si buuxda ugu hiillin Masar arrinta ku saabsan biyo xireenka wayn ee Itoobiya ee Al-Nahda iyo saamiga biyaha Wabiba Niil.

Tartiib tartiib ayuu usoo xoogaysanayay iskaashiga labada dal ilaa uu ka noqdo mid istiraatiiji ah, iyaga oo ku shirkoobay hormarinta Dakadda Barbara ee woqooyiga Somalia, Itoobiyana waxa ay la gashay heshiis Somaliland bishii Febaraayo 2015-kii si loo hormariyo Dakadda Barbara, bil kahor inta aysan wada hadal la bilaabin shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubey nidaamka Hargaysa kaas oo ku dhamaaday heshiis ku kacay $442,000,000 oo lagu hormarinayo Dakadda Barbara 2016-kii, sidoo kale waxa ay ogolaatay shirkaddu $80,000,000 lagu bixinayo baahiyaha daruuriga ah ee ay dekeddaasi u baahan tahay.

La soco qaybta 6-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media