(Roma) 04 Sebt 2018 – Hay’adda Lega Serie A ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday jadwalka iyo taariikhda kulamada horyaalka Talyaaniga min todobaadka soo aaddan ee 4-aad ilaa midka 16-aad, iyadoo uu todobaadka 7-aad jiro laba kulan oo dhacaya ‘Super Saturday’ 29-ka Sebtember kuwaasoo dhexmaraya Roma vs Lazio oo dheelaya 15.00 iyo Juventus vs Napoli oo dheelaya fiidkii 18:00.
Yeelkeede, kaliya 3 kulan oo qura ayaa dhici doona xilligii caadiga ahaa ee soo jireenka ahaa ee 15:00, halka inta kale loo qaybiyay min Jimce ilaa Sabti.
Waxaad jadwalka oo dhan ka akhrin kartaa halkan.
Hadalsame Media