(Tripoli) 04 Sebt 2018 – Boqollaal qaxooti ah ayaa ka baxsaday kaamamka dadka lagu xiro ee magaalada Tripoli ee Liibiya, kaddib markii uu dagaal ka dhex qarxay laba malliishiyo, iyadoo haatan lasoo rogey xaalad deg deg ah.
Nin ka tirsan hay’adaha gargaarka ayaa Reuters u xaqiijiyay in ay dadkani ka baxsadeen meel dadka lagu xiro oo ku taalla jidka Garoonka Dayuuradaha, waxaana taa ka marqaati ah muuqaal lasoo duubay oo lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana la arkayay qaxootigan oo ay Soomaaliyi ku jirto oo gacmaha ku sita wixii yar ee ay wateen oo u baxsanaya dhanka koonfurta magaalada Tripoli.
Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka Liibiya ayaa beeniyay inay cidina baxsatay, balse ninkan gargaarka ka shaqeeya ayaa Reuters u sheegay inay baxsadeen dad ka badan ilaa 1,800 oo qofood, waana ku dhowaad rubac ama 25% dadka ku xiran xabsiyada Liibiya tiradaasu, kuwaasoo badankood lasoo qabtay jeer ay badda ku jireen ama isu diyaarinayeen, kaddib markii uu Talyaanigu tababar siiyay Liibiyaanka si ay u celiyaan qaxootiga soo maraya baddooda.
Video ||
Migrants flee detention centre as fighting intensifies in the Southern suburbs of Libyan capital Tripoli. #Libya pic.twitter.com/29NXKRjQ53— LibyaReview (@LibyaReview) September 4, 2018
Hadalsame Media