DAAWO: Ma aamini kartid mas’uuliyad darrada ay haweenaydani samaysay!!

0

(Texas) 04 Agoosto 218 – Muuqaal haatan uun lasii daayay ayaa muujinaya haweenay reer Texas ah oo ay booliisku bursanayaan iyadoo ku socota 100-mayl/h, kahor inta aanay gaariga mid kale ku dhifanin ee aysan isku dayin inay cageheeda ku baxsato, kaaga darane iyadoo dadaaminaysa ilmo yar oo gaariga u saarnaa.

Waaxda gobolka Texas ugu qaybsan Amaanka Dadwaynaha, ayaa muuqaalkan bulshada ay usoo bandhigtay ku sheegtay in ay haweenaydan oo 29-jir ihi ay booliiska ka carartay iyadoo ku joogtay gaari Mercedes-Benz SUV ah.

Haweenaydan oo gaariga ku cayrinayay jid wayn oo ku yaalla Texas ayaa dhowr gaari sibiq uga baxsatay, waxayna booliisku jidka dhigeen biraha taayarrada lagu banjariyo taasoo keentay inay jidka ka weecato oo ay mid kale ku dhacdo, iyadoo gaari kale ka daba tagtay.

Waxay deeto la baxsanaysaa ilmaha yar oo ay ku siddey fadhiyada la qaad qaado, iyadoo laamiga la goysay si ay u raacdo gaari kale oo dhinac u taagnaa, markaasoo ay booliisku fursad u heleen inay qabtaan.

Hadalsame Media