(Washington, DC) 04 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa uga digey dhiggiisa Syria ee Bashar Assad inuu weeraro gobolka Idlib, oo ah meesha ugu dambaysa ee ay ku jiraan kooxaha xagjirka ah iyo qolooyin kale oo mucaarad sheeta balse aan midaysnayn.
Maraykanka ayaa ku andacoonaya inay halis geli doonto nolosha kumannaan Suuriyaan ah jeer uu halkaasi ku wajahan yahay weerar ka imanaya dhanka ciidamada dowladda Suuriya oo doonaya inay xoreeyaan Idlib, wuxuuna Trump uga digey Dimishiq, Tehraan iyo Moscow inay sameeyaan wax uu ku sheegay “khalad keena dhibaato bini aadminimo oo wayn.”
President Bashar al-Assad of Syria must not recklessly attack Idlib Province. The Russians and Iranians would be making a grave humanitarian mistake to take part in this potential human tragedy. Hundreds of thousands of people could be killed. Don’t let that happen!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) September 3, 2018
“Madaxwayne Bashar al-Assad-ka Suuriya waa in uusan si qar iska xoornimo ah u weerarin gobolka Idlib,” ayuu Trump soo tweet gareeyay. “Ruusha, Iiraan iyaguna khalad wayn oo insaannimo ayay sameeynayaan haddii ay ka qayb qaataan musiibadan aadminimo ee dhici karta.” ayuu raacshey.
Hadalsame Media