Al-Shabaab oo afduubay 61 ruux (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 04 September 2018 – Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka afduubteen 61 ruux barriga gobolka Galgaduud.

Hadalsame Media oo helay macluumaad gaar ah oo ku saabsan afduubkaan ayaa waxa wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in dadka la afduubtay oo dhamaantood rag ah la geeyey degmada Ceelbuur.

Ceelbuur waxaa maamula Al-Shabaab lamana oga sababta rasmiga ah oo ee ka dambaysa afduubkaan.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa dilay mid ka mid ahaa raggii ay afduubteen.

Dadka la afduubtay ayaa ka soo wada jeeda mid ka mid ah beelaha dega goboladda Mudug iyo Galgaduud. Afduubka ayaa ka dhacay tuulada Gal-Qoryaale shalay galinkii dambe.

Hadalsame Media