Wax ka ogow shirka Shiinaha iyo Afrika

0

(Muqdisho) 03 September 2018Magaaladda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan ku dhawaad madaxda 53 dal oo ka socda Afrika.

Madasha ayaa intay socoto waxaa laga hadli doonaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Africa.

Soomaaliya ayaa ka qeybgalaysa shirkaan waxana wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sugnaayeen dalka Shiinaha dhowrkii cishe ee la soo dhaafay.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la kulmay madaxda dalka Shiinaha iyo sidoo kale shirkaddaha ganacsiga iyo kuwa isgaarsiinta ee dalkaas.

Hadalsame Media