(Otawa) 03 Sebt 2018 – Jeer uu dhacay waqtigii loo qabtay in ay ardayda Sucuudigu iskaga baxaan dalka Canada oo ku beegnayd 31-ka bishii Agoosto ee iminka dhamaatay, ayay ugu yaraan 20 arday waxay si rasmi ah magangalyo u waydiisteen Waaxda Socdaalka Canada.
Omar Abdulaziz, oo ah gayfane caan ah oo Sucuudiga u dhashay deganna Montreal, ayaa sheegay inuu ardayda ay noloshoodu halista ku jirto ee qaska la geliyay bishii Agoosto kaddib markii ay isku dheceen Sucuudiga iyo Canada uu kala shaqaynayo inay dalkaa iska dhiibaan.
Sucuudiga ayaa ardaydiisa ku amray inay kasoo baxaan dalka Canada, kaddib markii ay Canada iskula dheceen walaac ay ka muujisay haween u doodda xuquuqul insaanka oo dalkaasi lagu xirey, kuwaasoo ay ku jirto Samar Badawi.
“Waxay doonayaan inay sii joogaan oo wax ka bartaan Canada. Ma doonayaan inay meel cidla ah uga tagaan wixii ay barteen iyo shaqadii ay soo qabteen, marka xal bay raadinayaan,” ayuu yiri Abdulaziz.
Abdulaziz, 27 jir, ayaa 2013-kii isagu magangalyo waydiistay Canada kaddib markii uu sheegay inay u gooddisey Boqortooyada Sucuudiga oo uu siyaasad ahaan diiddan yahay, waana la siiyay. Ilaa 8,000 oo arday oo Sucuudi ah ayaa wax ka barta Canada.
Hadalsame Media