Sawirro: Meydkiisa oo Baalle dul saaran ayaa la arkay (Dhimasho yaab leh)

0

(Muqdisho) 03 September 2018 – Arrin aan hore loo arag ayaa ka dhacday meel u dhow Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Meydka nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu doonayey inuu la baxo batariga dabka dhaliya oo ku xirnaa Baalle ayaa laga helay Busteejada Shabeelle ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadweyne fara badan ayaa saakay isugu soo baxay halka arrintaani ka dhacday iyadoona ay la yaab ku noqotay markii ay arkeen meydka nin dhalinyaro oo ka soo laa laada Baalle koronto.

Warar aan sa fiican loo xaqiijin oo laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninkaan meydkiisa la helay uu doonayey in uu la baxo batariga dabka dhaliya ee ku xirnaa Baalle uu fuulay kadibna ay koronto dishay.

Hadalsame Media