(Barcelona) 03 Sebt 2018 – Jookarka Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay inuu “la yaabay” in Cristiano Ronaldo u wareegay kooxda Juventus oo uu haatan ku tilmaamay “midda cad cad marka la eego ku guulaysiga Champions League.”
R7 ayaa xagaagii €100m oo euro ka badan ugusoo wareegey Serie A oo uusan wax gool ah ilaa haatan ka dhalinin, balse laacibkan haysta Ballon d’Or wuu ka dhex muuqday kulamadii kooxda, isagoo sidoo kale ka tilmaaman koobka CL, taasoo uu xitaa ka marag kacay ninkii ay La Liga ku xafiiltami jireen ee Messi.
“Real Madrid hadda sidii hore waa ka xoog yar tahay Cristiano Ronaldo la’aantii, maaddaama uu yahay laacib ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka” ayuu Messi u sheegay Catalunya Radio.
“Juventus hadda waa koox cad cad dhanka guusha Champions League maxaa wacay waxay hadda haystaan Cristiano Ronaldo. Waan la yaabay go’aankiisa, waayo ma filaynin inuu ka tegayo Madrid ama inuu ku biirayo Juventus oo ah koox aad u wanaagsan.” ayuu raaciyay.
Hadalsame Media