(Genoa) 03 Sebt 2018 – Kooxda Sampdoria ayaa xalaytoole si xil leh u bahdishey SSC Napoli oo 3-0 dirtay, balse macallin Marco Giampaolo ayaa ku doodaya in “haddii uu Cristiano Ronaldo dhalin lahaa goolka uu ciribta ku saxiixay Fabio Quagliarella, uu qof kasta maanta hadal hayn lahaa.”
Kooxda Blucerchiati oo xalay ku ciyaaraysay gegada Marassi ayaa ku fara baxsatay kooxda Napoli oo kasoo noolaalin goolasha Gregoire Defrel oo laba dhaliyay iyo ciribtii cajiibka ahayd ee Quagliarella, sidii ay yeeshay labadii kulan ee hore.
“Waxay ahayd ciyaar cajiib ah. Defrel wuxuu ahaa qayrul caadi, halka haddii uu Cristiano Ronaldo dhalin lahaa goolka Quagliarella, uu qof kastaa hadal hayn lahaa.” ayuu Giampaolo u sheegay Radio Rai.
Hadalsame Media