DAAWO: Arrin ay sameeyeen George Bush & Michelle Obama oo badwayn falcelin ah ka abuurtay Twiter-ka!!

0

(Phoenix) 03 Sebt 2018 – Yaa ogaa inay Dimoqraadiga & Jamhuurigu ay ku wada hadlaan meel ka baxsan masraxyada siyaasadda? Sida cad qof kasta sidaa uma oga, tan iyo markii uu George Bush uu nacnac la wadaagey Michelle Obama oo ay ka wada qayb galeen duugtii John McCain, taasoo aad loogu qaadaa dhigay baraha bulshada.

Jeer uu jawigu ahaa mid lagu caajisayo — ayay indhaha gorgorka ah ee kaamirooyinku qabteen madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee George W. Bush oo nac nac u baasaya Marwadii Koowaad ee Michelle Obama — oo iyaduna joogtey aaskii senetarkii McCain.

Yeelkeede, waxaa arrintan lagu qaadaa dhigay baraha bulshada, iyadoo ay dadka qaar soo qoreen inay meesha wada joogaan dad galay dembiyo dagaal oo hal meel ka wada shidaal qaata xisbigii ay doonaanba haka tirsanaadaane.


Hadalsame Media