(Muqdisho) 03 September 2018 – Ciidamada Kenya ayaa duqeyn ka gaystay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya waxaana wararku sheegayaan in halkaasi uuka dhacay khasaare soo gaaray dad rayid ah.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo ku sugan degmada Afmadow, ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen deegaanada Weel-Maaro iyo Suubow oo ka tirsan degmada Afmadow, ay la beegsadeen saldhigyo ay la haayeen ururka Al-Shabaab.
Hase ahaatee warar madaxbanaan ayaa sheegaya in duqeyntu sidoo kale ay saameysay dad rayid ah gaar ahaan kuwa reer miyi ah.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntani ay qeyb ka tahay hawlgalo la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo sida ay sheegeen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale duqeymo diyaaradeed uga gaystay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Hadalsame Media