Burma: Labo wariye oo la xiray (sababta)

0

(Muqdisho) 03 September 2018 – Labo wariye oo ka tirsan Wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu xiray dalka Burma (Myanmar) sababo la xariira inay bixiyeen sirta dalkaasi, waxaana xarigooda ka cambaareeyey ururada u dooda xaquuqda saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Wariyeyaasha la xiray waxaa lagu kala magacaabaa Wa Lone, 32, a iyo Kyaw Soe Oo, waxaana xukuumadda Burma loogu baaqay inay sii deyso suxufiyiintaasi.

Labada wariye waxaa loo haystaa inay baariyeen tacadiyo ciidamada dalka Burma ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee Rohinga gaar ahaan waxaa hawlo baaritaan ah ay ka sameynayeen waqtiga la qabanayey tuulada la yiraahdo Inn Din.

700,000 oo dadka Muslimiinta Rohinga ayaa lagu dilay xasuuq ba’an oo ka dhacay dalka Burma sanadkii la soo dhaafay.

Hadalsame Media