(Moscow) 03 Sebt 2018 – Hal magac oo lagu tilmaami karo musiibo ka jirta dunida dib u dhacday oo ay Afrika koow ka tahay waa qoriga darandoorriga u dhaca ee AK-47 oo uu hindisey hindisihii iyo jeneraalkii Ruushka ahaa ee Mikhail Timofeyevich Kalashnikov, kaasoo geeriyoodey 2013-kii.
Yeelkeede, farsamadii uu ninkaasi ka tegey isaga lama dhiman ee waxay jirtaa iyadoo intii hore ka dhumuc wayn, waxaana haatan bandhig ama carwo ay sameeyeen ciidamada Ruushka lagu soo bandhigay jiilka cusub ee AK-74 oo ah qori ku fiican meelaha xirann ama daboolan iyo dufcad kasii dambaysa oo ah AK-308 kaasoo dusha sare ku leh garaangar wixii la doono lagu xiri karo, kana xabad wayn inta AK ee isaga ka horreeysey.
Hadalsame Media