XOG RASMI AH: Faahfaahin kasoo korortay dhanka Dugsi Qur’aan & Iskuul qaraxa ku burburay (Maxaa gaarey ardaydii?)

0

(Muqdisho) 02 Sebt 2018 – Si aan xog dheereed ah uga ogaado qarixii saaka degmadayda Howlwadaag ka dhacay oo aan xogta rasmi ah dugsiga ardayadii dhiganayeen aan baaritaan ugu sameeyo ayaan soo ogaaday arrimahan:

Waxaa ilaaah mahadii ah in uusan hal arday ku dhiman dugsiga Qur’aanka waayo xiligaasi quraac ayaa loo fasaxay waxaana joogay ku dhawaad 8 Arday kaliya, waxaana ku dhaawacmay 4 kamid ah oo mid kamid ah halis uu yahay.

Macalinkii dugsiga oo lagu magacaabo Macallin Cabdi Salaan waa uu caafimaad qabaa aniga ayaana telfoonka kula hadlay waxaana uu ii sheegay in uusan ogayn sida ay wax u dheceen balse uu alaah ugu mahad celinaayo hadiiba uu intaa ugu ekeeyay.

Hada ayaan kasoo laabtay si shacabka Soomaaliyeed aan walwalka ugu saaro waxaana u gargaraacay albaabada qaar kamid ah ehelada ardayda oo aan ka dareemayay shoog iyo walwal, hadaba sidaa ayay wax u jiraan waana xogta rasmiga ah ee sheekada dugsiga Qur’aanka oo Ilaahay amarkii ku baxsaday inay fasax quraac ah ku maqnaayeen.

Balse, waxaa saddex arday ku geeriyootay Iskuulka Hoose Dhexe Sare ee Xasan Qariindi oo gurigayga ku dheggan, waxaana jirta in wali ay socdaan gurmadka dadka loo sameenaayo.

Cabdullaahi Xasan Baliil

Hadalsame Media