(Washington, DC) 02 Agoosto 2018 – Ciidamada Marayanka ayaa sanaddii 1960-kii mar ku fikirey qorshe ay qumbulad ugu tuuri lahaayeen dalalka Midowgii Soofiyeeti iyo Shiinaha, si ay u burburiyaan wax soo saarkooda una baabi’iyaan in badan oo ka mid ah dadkooda, sida ay muujinayaan dokumentiyo sir ah oo iminka lasoo bandhigay.
Qorshahan sirta ah oo ay 1964-kii dib u eegis ku sameeyeen abaanduulka ciidamada Maraykanka, ayaa waxaa dhowaan daabacday jaamacadda George Washington University, mashruuca Kaydka Amaanka Qaranka, wuxuuna muujinayaa inuu Pentegon-ku daraasadeeyay dookhyo ay ka mid ahayd “inay burburiyaan USSR iyo China si aysan u noqonin dalal leh bulsho wax ku tooran.”
Qorshahan, oo dib u eegis lagu sameeyay, kaddib xasaraddii gantaalaha ee Cuba, ayaa lagu dersey qorshe lagu duminayo 70% wershadaha Midowgii Soofiyeeti, iyadoo loo gaysanayo duqayn loo adeegsanayo hubka nukliyeerka oo aan sababi ka horreeynin.

Isla qorshahaas oo kale waxaa loogu tala galay Shiinaha, kaasoo uu dhaqaalihiisu xilligaa beeraha ku tiirsanaa, waxaa isaga loo qorsheeyay in dhulka lala simo ilaa 30 magaalo oo waawayn, si loo laayo 30% dadyoowga Shiinaha, si hubaal looga dhigo in aan Shiinuhu markaa wixii ka dambeeya “noqonin dal wax kasoo qaad leh dal iyo dad ahaan,” sida dokumentiga ku dhigan.

Hadalsame Media