SAMPDORIA VS SSC NAPOLI: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Genoa) 02 Sebt 2018 – Waxaa caawa kulamada todobaadka 3-aad ee horyaalka Talyaaniga kulanka adag ee ka harsan noqonaya midka dhexmaraya Sampdoria iyo SSC Napoli oo iyadu doonaysa inay sii amba qaaddo rikoodhkeeda 100% ah.

Dhanka Samp: Laacibka Tonelli oo ka yimid isla Napoli ayaa buuxinaya booska Colley ee qalbiga daafaca. Ekdal ayaa dhexda ku wehlinaya Linetty iyo Barreto, Saponara ayaa ka cad cad Ramirez. Waxaa se booskii weerarka labayn lahaa iskula dheggan Caprari-Defrel oo midkood la dheeli doono Quagliarella. Waxaa maqan Praet & Regini.

Dhanka Napoli: Diawara iyo Verdi ayaa safanaya isla daqiiqadda 1-aad, waayo Ancelotti ayaa markii ugu horreeysey muddo 3 sano ah nasinaya Hamsik iyo Callejon. Waxaa weli kaydsan Mertens. Ospina ayaa shabaqa ilaalin doona. Waxaa loo yeerey Fabian Ruiz.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 72 BELEC, 33 RAFAEL, 7 SALA, 25 A. FERRARI, 18 LEVERBE, 15 COLLEY, 22 TAVARES, 4 VIEIRA, 11 RAMIREZ, 99 KOWNACKI, 14 JANKTO, 92 DEFREL
  • 27 KARNEZIS, 22 D’ANDREA, 19 MAKSIMOVIC, 21 CHIRICHES, 2 MALCUIT, 13 LUPERTO, 17 HAMSIK, 8 FABIAN RUIZ, 7 CALLEJON, 30 ROG, 11 OUNAS, 14 MERTENS

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Regini, Praet
  • Younes, Meret, Ghoulam

Hadalsame Media