(Hadalsame) 02 Sebt 2018 – Aabbahay iyo awowgay labaduba waxa ay ka mid ahaayeen halyeyadii Xabashiyeed ee dhulka carabta muddada dheer ka talin jiray. Awowgay waxa uu ahaa xigeenka abbbaanduulaha ciidankii maroodiga ee ku soo duulay Maka, si ay Kacbada uga safeeyaan sanamyada lagu caabudayo oo ay u dhisaan aqal Ilaahay oo keli ah lagu caabudo, lana mid aqallada Ilaahay looga dhisay Aksum.
Awoowgay anigu soo ma gaadhin, waxa uu se aabbahay ii sheegay in uu ahaa nin taqi ah oo aan carrabka ka qaadin dikriga Eebbe iyo aayadaha Kitaabka Qudduuska ah. Hammigiisa ugu weyni waxa uu ahaa in uu dunida oo dhan ka dhigo meel aan Rabbiga weyn mooyee wax kale lagu caabudin.
Sababtaas ayuu uga mid noqday ciidankii mujaahidiinta ahaa ee qaddiyaddaa badda uga soo tallaabay. Markii Maka la qaban lahaa waa tii furuq iyo fanto ciidankii maroodiga asiibtay, waana tii tarab tarab loo le’day. Waa tii “deyran abaabiila” dhacday. Raggaa duleedka Maka ku xaaqmay ayuu ka mid ahaa awowgay.
Aabbahay isagu dalkii hooyo ma uu arag oo waxa uu ku dhashay Yaman, kolkii uu duullaanka Maka soo raacayna waxa uu ahaa lix iyo toban jir. Markii duullaanku dhicisoobay waxa uu ka mid noqday rag aan badnayn oo ay mushrikiinta Maka maxbuus ahaan u qabteen. Dabadeed sidii ay caadadoodu ahayd waa la addoomiyay. Ninkii uu aabbahay addoonka u noqday waxa uu ahaa bahal xagjir ah oo sanamyada aad u caabuda, waxa uuna ninkaasi aad isugu dayay in uu aabbahay mushrig ka dhigo.
Aabbahay aad buu ugu dhegganaa rumaynta Eebbaha weyn ee kelida ah ee dunida abuuray ee Kitaabka Qudduuska ah ku cad, sidaa darteed waa la soo marsiin waayay in uu caabudo sanamyada carbeed. Ugu dambayn waxa uu u dhintay nabarro ka gaadhay dilkii iyo ciqaabtii joogtada ahayd ee ninkii lahaa ku hayay.
Adoogay intii uusan dhiman waxaa loo tu’iyay addoomad xabashiyeed oo qudheedu colkii jabay ka mid ahayd. Halkaas ayaan ka abuurmay, waxa aanan dhashay aabbahay iyo hooyaday oo aan shuqul isku lahayn oo midba qolo haysato. Qoyska reer Jubeyr ee aniga i yeeshay markii aan yaraa waxa ay ii bixiyeen Abaa Dasma oo macnaheedu yahay kii shishlaa ama shuluq, markii aan korayna waxa ay iigu dareen Waxshi oo macnaheedu yahay dugaag.
Magac dadeed oo erayadaa aflagaaddada ah dhaama waa ay ii quudhi waayeen. Ilaa toddoba jirkii waxa aan la joogay hooyaday, dabadeed waxaa i qaatay oo i yeeshay ninkii aabbahay lahaa ina adeerkii oo la dhihi jiray Jubeyr. Sidaas ayaannu aniga iyo aabbahay xidhiidh dadban ku yeelannay, waxa uuna muddadaa marka aannu kulannoba iiga sheekayn jiray taariikhdayada iyo dhulka Xabashiyeed ee aannu ka soo jeedno.
Waxa uu kale oo si qarsoodi ah wax iiga baray culuunta Ilaaha weyn iyo Kitaabka Qudduuska ah. Nin nasraani ah oo carbeed oo lagu magacaabi jiray Waraqa ibn Nowfal ayuu i baray si marka aan haleelaba diinta uga barto. Maalintii iigu dambaysay aabbahay waxa aan ahaa kow iyo toban jir, dabadeed waxa aan maqlay in uu dhintay. Xabaashiisa iyo xitaa meel uu ku aasan yahay ma aqaan.
La soco qaybta 3-aad…
Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)
Hadalsame Media