(Gondar) 02 Sebt 2018 – Mucaaradka Qoowmiyadda Amxaarada oo magaceeda lagu sheegay ONAG ayaa lagusoo warramayaa in iyagoo ku jooga gawaawi waawayn ay gudaha usoo galeen Itoobiya.
ONAG oo ah jabhad hubaysan ayaa saldhiganaysay Eritrea oo dhowaantan la heshiisey Itoobiya, waxayna haatan gudaha usoo galeen magaalada Gondar ee woqooyiga Itoobiya oo ay aad ugu badan yihiin qoowmiyadda Amxaaradu.
Waxaa maalmaha soo aaddan la filayaa inay soo galaan rac kale oo ka mid ah jabhadda ONAG, waxaana ka horreeyay jabhadaha ONLF iyo OLF oo kala ah Soomaali iyo Oromo oo horay usoo galay, waxaan se la hubin waxa ay ku dambayn doonto xaaladda jabhaddani haddii aan qorshe cad oo bulshada lagu dhexgelinayo loo samaynin.
Hadalsame Media