(Muqdisho) 02 Sebt 2018 – Waxaa dhacay qarax aad u ballaaran oo lala eegtay xaruntii Degmada Halwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo sida la sheegay qaraxa loo adeegsadey gaari oo Kaarib ah oo aad loo raray.
Xaruntii degmada Halwadaag ayaa ku dhowaad gebi ahaanba baaba’day, iyadoo uu dhacay khasaare nafeed oo aad u ballaaran, waxaana ka mid Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen in ka badan 30 carruur ah oo iskugu jirey da’da min 5 ilaa 13 iyo 2 macallin oo ay lahaayeen oo sida la sheegay aan midna ka fiigin, balse lama hubo taas.
Waxaa kale oo uu qof goobjoog ihi Hadalsame u sheegay in ay meesha joogeen qoys ka kooban 8 qofood oo markaa dacwo u yimid oo aan qofna ka badbaadin, sidoo kale waxaa qayb ahaan dumey iskuulka Xasan Qariindi iyadoo uu burburku gaarey dhismayaal kaba fog goobta sida Masjidka Abuu Hureeyra.
”Waxaa nagu soo daatay dhagxaan iyo biro” ayuu Hadalsame u sheegay qof uu gurigiisu woxoogaa ka durugsan yahay goobta qaraxa.
DAYACNAAN AMAAN
Waxaa la tuhmayaa dayac dhanka amaanka ah, wuxuuna qof meesha ku dhowi noo sheegay in ay la yaab tahay, balse ay furan yihiin dhamaanba jidadka soo gala xarunta degmada Halwadaag.
Waxaa goobta oo uu burbur xooggani ka muuqdo haatan booqanaya guddoomiyaha Halwadaag Cabdi Kariin Cali Kariin iyo saraakiil kale oo la socota.


Hadalsame Media