Duqeyn diyaaradeed oo dhacday Magaaladda Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe

0

(Muqdisho) 02 September 2018 – Wararka ka laga helayo ilo- madaxbanaan oo ku sugan Magaaladda Buaalle ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo aan la ogeyn cida gaysatay.

Ururka Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in saakay ay xabsi dhigeen dad rayid ah oo ay ku eedeynayaa inay baasaasiin yihiin waxna ka ogaayeen duqeyntii xalay ka dhacday Magaaladda.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin Magaaladda gudaheeda lamana oga khasaare ka dhashay duqeyntaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada cirka ah ee ay ka gaysato koofurta Soomaaliya kuwaas oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media