(Stockholm) 02 Agoosto 2018 – Waxaa soconaya ololaha doorashada Sweden ee heerarka kala duwan marka xisaabta lagu daro dadka sida hordhaca ah u codeeynaya.
Yeelkeede, maalinta rasmi ahaan loo muddeeyay waa 9-ka Sebtembar, waxaa baraha bulshada meeraysanaya muuqaal la sheegayo inuu khuseeyo olole ay dhigeen xisbiga soo galootiga neceb ee AFS ee loosoo gaabiyo Invandringskritiska Alternativ för Sverige.
Waxaa muuqaalka oo laga metelayo sidii garoon dayuuradeed laga arkayaa liiska dalal badan oo ay Somalia ka mid tahay kuwa ugu horreeya, kuwaasoo dadkii daawanayay qaab jees jees ah loogu sheegayo inay tagaan ganjeelka ay ka raacayaan dayuuradda.
‘Farriintani waxay ku socotaa musaafiriinta ku noqonaya dalalka Afghanistan, Somalia, Iraq, Romania, Syria, Eritrea, Turkey, Uzbekistan iyo Morocco. Duulimaadkaagu waa diyaar ee aad iridda aad ka baxayso, rarku hadda ayuu bilaabmayaa.” ayuu ku bilaabayaa Gustav Kasselstrand oo ah madaxa xisbiga AFS oo aan weli boos ku lahayn baarlamanka Sweden, laakiin fara dheer SD.
”Fiiro gaar ah; waxaa howshan agaasimey xafiiska celinta dadka siyaabo kala duwan ugu tacaddiyay marti soorkeennii iyo soo dhowaynteennii. Macasalaama dheh Sweden.” ayuu raacinayaa Gustav Kasselstrand oo xilligaa dad gaaraya ilaa 300-400 gaaraya kula hadlayay Sergels torg oo Stockholm ah.
“AFS waxay keeni doontaa dhul gariir siyaasadeed midkii ugu waynaa, kaasoo 10 jeer ka xooggan midkii dhacay marii ay baarlamanka soo galeen Sverige Demokraterna, marka aan annagu soo galno.” ayuu ku hanjabey, iyadoo aan la dhayalsan karin, waayo xisbiga kale ee SD wuxuu helayaa xisbi kale oo uu isbahaysi la samaysan karo, maaddaama uu hadda go’doonsan yahay.
Halkan hoose ka DAAWO…
Hadalsame Media