(Bishkek) 02 Sebt 2018 – Ankara ayaa markale ku celisey inaysan fasax uga baahnayn cidna marka ay timaaddo iibsiga gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400 missile, sida uu sheegay madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip, maalmo uun kaddib markii uu Maraykanku ka digey inay dowladda Turkigu soo iibsato hannaankan daafaca hawada.
“Waxaannu heshiis la galay Ruushka oo aannu kasoo iibsanayno gantaalaha qabtayaasha ah ee S-400. Cid bayna taasi dhibtay, balse cidna fasax ugama baahnin,” ayuu yiri hoggaamiyaha Turkiga oo ka hadlayay madal ganacsi oo ka dhaxaysa Turkiga iyo Kyrgyztan oo la yiraahdo Turkey-Kyrgyzstan Business Forum oo lagu qabtay caasimadda Kyrgyz-ka ee Bishkek shalay.

Talaadadii, Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka ee James Mattis ayaa Turkiga oo ah dal xor ah oo xubin ka ah NATO, uga digey inuu soo iibsado hannaankan. “Turkey isagaa dookha leh, dookh madax bannaan. Balse sida cad hub difaac gantaal ah oo uu Ruushku sameeyay lama soo dhex gelin karo hubka NATO,” ayuu ku dooday Mattis “Haa, way na khuseeysaa, mana dhiirrigelinayno arrintaas.” ayuu daba dhigay.
Hadalsame Media