Xulka Talyaaniga ee wajahaya Portugal & Poland oo la magacaabay

0
Italy team pose for a group photograph prior to their Euro 2016 Group E soccer match between Italy and Sweden at Stadium de Toulouse, in France on Friday, June 17, 2016. Photo: Reuters

(Roma) 01 Sebt 2018 – Roberto Mancini ayaa ku dhawaaqay xulka Talyaaniga ee Azzurri oo wajahaya xulalka Poland iyo Portugal oo ay dheelayaan tartanka cusub ee UEFA Nations League, waxaana magacyada cusub ka mid ah Cristiano Biraghi, Manuel Lazzari iyo Pietro Pellegri, halka uu soo laabtay Giorgio Chiellini.

Xulka muuqaalka cusub ee Azzurri ayaa bilaabaya tartankan cusub, kaasoo la iskugu diyaarinayo Euro 2020, waxayna Stadio Dall’Ara oo Bologna ku yaalla ay Jimcaha 7-da bishan kula dheelayaan Poland, kahor inta aysan Isniinta Lisbon ku booqanin Portugal, 10-ka bisha.

Hoos ka eeg xulka la magacaabay:

Goolwalayaal: Alessio Cragno (Cagliari), Gianluigi Donnarumma (Milan), Mattia Perin (Juventus), Salvatore Sirigu (Torino);

Daafaca: Cristiano Biraghi (Fiorentina), Leonardo Bonucci (Juventus), Mattia Caldara (Milan), Giorgio Chiellini (Juventus), Domenico Criscito (Genoa), Emerson Palmieri Dos Santos (Chelsea), Manuel Lazzari (Spal), Alessio Romagnoli (Milan), Daniele Rugani (Juventus), Davide Zappacosta (Chelsea);

Khadka dhexe: Nicolò Barella (Cagliari), Marco Benassi (Fiorentina), Bryan Cristante (Roma), Roberto Gagliardini (Inter), Frello Filho Jorge Luiz Jorginho (Chelsea), Lorenzo Pellegrini (Roma), Nicolò Zaniolo (Roma);

Weerarka: Mario Balotelli (Nizza), Andrea Belotti (Torino), Domenico Berardi (Sassuolo), Federico Bernardeschi (Juventus), Giacomo Bonaventura (Milan), Federico Chiesa (Fiorentina), Ciro Immobile (Lazio), Lorenzo Insigne (Napoli), Pietro Pellegri (Monaco), Simone Zaza (Torino).

Hadalsame Media