Tababar ku saabsan arrimaha dastuurka Soomaaliya oo ka socda Jowhar

0

(Muqdisho) 01 September 2018 – Magaaladda Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa maanta ka furmay tababar ku saabsan waxbarashada madaniga iyo wacyigelinta dadweynaha oo saabsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Kulankaan waxaa soo wada abaabulay si wadajir ahna u qabanaya wasaaradda Arimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan oo shirkaan furay ayaa uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS qabsoomida shirkaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xamse Cabdi oo kamid ah La-taliyayaasha wasaaradda dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tababarka ay ka faa’iideysan doonaan bulshada rayidka ee Hirshabeelle .

Hadalsame Media