(Muqdisho) 01 September 2018 – Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen labo ruux oo la sheegay inay ahaayeen burcad afduubtay cunug yar.
Labada ruux oo ah rag ayaa lagu eedeeyey inay ilmo yar ka afduubteen xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.
Qaasim Axmed Rooble oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay in labadan ruux ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, islamarkaana hadda lagu hayo xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID.
Eedaysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Yaasiin Cabdi iyo Mahdi Tahliil Maxamuud.
Hadalsame Media