PARMA VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Parma) 01 Sebt 2018 – Waxaa caawa fiidkii gegada Stadio Tardini ku ciyaaraya labada kooxood ee AC Parma iyo Juventus, iyadoo ay Juve doonayso inay dhibco ku qaadato garoonkan dhibka badan.

Dhanka Parma: Grassi iyo Gervinho waa loo yeerey. Balse laacibka Ivorian-ka ihi wuxuu hardan dhanka booska ah la gelayaa Da Cruz waxaana midkood oo weerarka ku wehlinayaa Inglese iyo Di Gaudio.

Dhanka Juve: Max Allegri ayaa dabiqi kara shaxda 4-2-3-1 waxaana Matuidi safka hore ka beddelaya Dybala oo ka gadaal ciyaaraya Ronaldo. Balse haddii uu dheelo 4-3-3 Argentine-ku waa kayd. Waxaa la hubaa booska Mandzukic, halka Bernardeschi uu ka cad cad yahay Douglas Costa iyo Cuadrado. Waxaa loo yeerey De Sciglio iyo Kean.

Hadalsame Media