DAAWO: Toogashada siyaasi Soomaali oo lugaha la gashay siyaasi kale oo Soomaali ah & ninkii dilka fuliyay oo xabsiga lagu diley!!

0

(Nairobi) 01 Sebt 2018 – Waxaa soo baxaya su’aalo tuhun xambaarsan kaddib markii uu saldhig booliis ku dhex dhintay nin u xirnaa toogashada Wasiir ka tirsanaa maamulka Garissa County, Idriis Mukhtaar, iyadoo ninka dhintay reerkiisa loo diidey.

David Mwai, oo ahaa ninka dilka loo haystey ayay kaamirooyinka CCTV-gu qabteen isagoo xabado af saar ah la dhacaya Idriis oo isagoo koomo ku jira haatan yaalla Nairobi Hospital, wuxuuna Mwai ku dhintay Parklands Police Station, iyadoo ay booliisku sheegeen inuu is diley, balse qoyskiisa ayaa aragti kale qaba.

XAASKIISII OO LA LA’YAHAY

Mwai walaashii Esther Wanjiru ayaa ahayd qofkii ugu dambeeyay ee la hadashay ka hor dhimashadiisa, ayaa sheegtay in qoyska aan loo ogolayn inay maydka arkaan, sida uu sheegay gayfane la yiraahdo Boniface Mwangi, oo haatan qoyska u doodaya.

Waxaa intaa dheer, in la la la’yahay xaaska Mwai oo maqan ilaa Talaadadii, goortaasoo lala xirey la tuhunsanaha wayn ee haatan geeriyoodey.

MARQAATI AASID

Waxaa jira hal xiraale ku hareereeysan dilka Mwai oo PlayStation iibin jirey, iyo cidda markii hore isaga u dirtay inuu soo dilo Idriss, oo ah 33-jir Master ka haysta Business Administration isla markaana PhD ku diyaariyay Kenyatta University, balse haatan yaalla Nairobi Hospital iyadoo ay madaxa xabadi ka fadhido.

Idriss ayaa lagu toogtey Kileleshwa 19-kii bishii Agoosto, waxayna muuqaallada CCTV-gu sawireen nin qori ku hubaysan oo kaligii soo gelaya dhismaha oo uu albaabkiisu furnaa, kaasoo deeto 3 xabbo ku dhuftay Idriis isla markaana raacaya mooto bannaanka ku sugaysay.

Baaritaan uu sameeyay warsidaha Daily Nation, ayaa sheegaya inay soo heleen xiriir ka dhexeeya dilka Idriss iyo barasaabka Garissa, Cali Qorane — oo ka mid ah dadka lagu tuhmey dilka loona xirey waloow lasii daayay markiiba — wax loo arko saaxiibtinnimo xumaatay ama faro lakala hayay.

Xogo kale oo uu ninka qoyska Mwai u doodaya Facebook ku qoray ayaa sheegaya in Mr Qorane uu lacag ku dhow laba milyan iyo bar shilin u ballan qaaday Mwai si uu usoo dilo Idriis, balse weli cid caddaysay arrinkaasi ma jiro, isagoo soo jeediyay in isagoo xiran la diley si kiiskiisa loo xiro, jeer ay soo baxayeen warar sheegaya inuu diyaar u yahay inuu ku marqaati furo cidda u dirtay dilka Idriis.

OLOLIHII DOORASHADA

Sida uu sheegay aabbaha Idriis, Dr Aadan Mukhtaar, wuxuu Idriis ka mid ahaa dadkii u ololaynayay isla markaana maalgelinayay Barasaabka Qorane kahor doorashadii guud ee sanadkii tegey, si kursiga looga tuuro barasaabkii hore ee Gaarisa Nadiif Jaamac.

Sida uu qoray Daily Nation, wuxuu Dr Mukhtar, sheegay in Mr Qorane uu qiimayn doono abaalkaa loo galay, waxaa intaa dheer in Idriis uu xilligaa boos la’aan ahaa maaddaama uu wasiirnimada ka eryay barsaabkii hore, Nadiif Jaamac oo uu u qaabilsanaa maaliyadda.

Hadalsame Media