DAAWO: Ricardo Kaká oo u mahad celiyay taageerayaasha Milan (Sabab?)

0

(Milano) 01 Sebt 2018 – Jookarkii hore ee AC Milan, Ricardo Kaká, ayaa xalay sidii boqor loogu soo dhoweeyay garoonka San Siro.

Laacibkan oo weligii ahaa nin ay aad u jecel yihiin jamaahiirta Milan ayaa xalay daawanayay ciyaartii San Siro ku dhexmartay Milan iyo Roma, isagoo ciyaarta ka hor dadwaynaha salaamey, kaddibna VIP-da la fariistay rag ay ka mid ahaayeen Maldini iyo Leonardo.

Kaká oo ay dhici karto in xil looga dhiibo maamulka Milan, ayaa boggiisa Instagram uga mahad celiyay taageerayaasha Milan.

Hadalsame Media