(Nyon) 31 Agoosto 2018 – Xiriirka UEFA ayaa lasoo werinayaa inuu qorshaynayo qabashada tartan cusub oo ay ka qayb qaadanayaan kooxaha qaaradda Yurub, marka la gaaro sanadda 2021.
Sida uu qorayo warsidaha af Jarmanka ku hadla ee Bild, tartankani wuxuu dhamaystirayaa labada haatan jira ee Champions League iyo Europa League.
Wargaysku wuxuu qoray in Europa League oo ay haatan ka qayb galaan 48 kooxood hoos loo dhigi doono oo laga dhigayo 32 kooxood, halka 16-ka kasoo harta iyo 16 kale oo lagu biiriyay loo sameeynayo tartan cusub oo aan weli la magacaabin, sidoo kalena aan la sheegin qaabka lagu imanayo.
UEFA ayaa horay u wadi jirtey koob 3-aad oo la oran jirey Koobka Koobabka ama UEFA Cup Winners’ Cup, kaasoo ay dheeli jireen kooxaha qaada koobabka dalalkooda, sida Coppa Italia ama FA Cup.
SS Lazio ayaana noqotay kooxda qaadday dufcaddii ugu dambeeysay 1999, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Real Mallorca, waxaana goolasha u kala dhaliyay Christian Vieri iyo Pavel Nedved.
Hadalsame Media