(Milano) 31 Agoosto 2018 – Ilaa 6 laacib ayaa lasoo werinayaa inay halis ugu jiraan in laga cuno safka kooxda Inter Milan ku metelaya Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.
Xanibaad ka imanaysa dhanka hannaanka dhaqaale wanaagga UEFA Financial Fair Play ayaa keenaya in Inter ay kaliya magacaabi karto 22 laacib oo uga qayb gala Champions League, waxaana 6-da laacib ee ay reebi karto ka mid ah ilaa 2 ay iyadu soo barbaarisay, balse laacibiinta la reebayo waa inuu ku jiraa mid ku kacaya ugu yaraan €20m.
Sida ku dhigan Tuttosport, goolwalaha 3-aad ee Tommaso Berni waxaa lagu bedelayaa muluqa Raffaele Di Gennaro. Dhanka kale, Joao Mario ayay ku dhowaad hubban tahay in laga tegi doono, maaddaama uusan ka mid ahayn qorashaha Luciano Spalletti, tiiyoo uu Beneamata ugu fadhiyo €43.7m.
Warsidaha ayaa ka digaya in la cuni karo Roberto Gagliardini, Matias Vecino, Antonio Candreva iyo Dalbert – kuwaasoo ku kacaya lacag ka badan €20m – oo laacibka Portuguese-ka la hari doono.
Inter ayaa Group B oo ah midka geerida kula jirta Barcelona, Tottenham Hotspur iyo PSV.
Hadalsame Media