Nin Jarmanka ka galay 542 dembi oo misna la garan la’yahay waxa uu yahay!!

0

(Frankfurt) 31 Agoosto 2018 – Nin qaxooti ah oo ku eedaysan inuu galay boqollaal dembi ayay maamulka magaalada Jarmanka ah ee Frankfurt u ogolaadeen inuu halkaasi sii joogo, maaddaama aysan aqoonin dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Ninkan ayaa wax yar laga yaqaannaa, xitaa magaciisa saxda ah lama yaqaanno, iskaba daa dalka uu u dhashay e, waxa qura ee la hubo ee la caddayn karaa waa inuu Jarmanka soo galay 20 sano ka hor 1998-kii, isagoon wadanin dokumentiyo caddaynaya haybtiisa.

Wuxuu markaa kaddib ku noolaa jidadka magaalooyinka Jarmanka, isagoo ku dambeeya magaalada Frankfurt, sida uu daabacay maalinlaha Jarmanka kasoo baxa ee Bild.

© Global Look Press/ Jan Woitas
20 askari oo booliis ah iyo xayn dibad baxyaaal ah ayaa ku dhaawacantay qaaquullo oogantey kaddib markii la diley nin Jarman ah, magaalada Chimnitz.

Taxa dembiyada uu galay ninkan aan ”la aqooni” muddadaa dheer ee uu Jarmanka joogey waxay iskugu jiraan noocyo badan, iyagoo gaaraya ilaa 542 dembi, kuwaasoo qaarkood dacwaddooda la bilaabay, sida laga soo koobiyay booliiska Jarmanka.

“Seddax dalool oo dalool waxay dembiyada ninkani la xiriiraan haysashada iyo iibka daroogada,” ayuu yiri Ruediger Buchta, oo ah taliyaha ciidamada booliiska maxalliga ah ee Frankfurt, isagoo waxyaabaha kale ee loo haysto ku macneeyay “been abuur,” sidoo kale “weerar jireed, xatooyo, dhac” iyo dembiyo kale “oo ka hor imanaya xeerka degaannaanta.”

Hadalsame Media